Dhageyso: Shirarkii Nabadeynta Caabudwaaq Oo Si Rasmi Ah Loo Soo Gabagabeeyay

0

Caabudwaaq (AGGM) Magaalada Caabudwaaq waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shir muddooyinkan halkaas uga socday labo beelood oo walaalo ah, kuwaasoo ay horey u dhexmartay shaqaaqo.

Shirarkaas oo lagu dhameynayay arrintaas ayaa waxaa ka qeybgalay xildhibaano,  maamulka Ahlusuna iyo waxgaradka labada dhinac iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Caabudwaaq oo aan u kala harin.

Maanta waxaa si rasmi ah qalinka loogu duugay heshiis labo darafood ahaa oo gabi ahaanba lagu tirtiray wixii labadaas beelood ee walaalaha ah dhexmaray.Waxaa meesha ka baxay in mar dambe aysan jiri doonin qori ay isku qaataan walaalahaas.

Dhageyso kulanka shirarkaas lagu soo xiray oo faahfaahiyey madaxa arimaha bulshada maamulka dagmada caabudwaaq khaliif cabdisamad

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com