XOG: Hogaamiyayaal Al-Shabaab ah oo Muqdisho ku sugan oo laga war-helay

0

Wasaarada Amniga qaranka xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka warhayaan saraakiil iyo horjoogayaal ka tirsanAl-Shabaab, oo ku dhuumaalaysanaya magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaarada amniga Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan oo saxaafada lahadlay ayaa sheegay inay heleen xogo ku aadan in saraakiil Al-Shabaab ay ku dhumaalaysanayaan magaalada Muqdisho xaafaado ku yaal.

Afhayeenka ayaa sheegay in wasaarada amniga ay talaabo adag ka qaadeyso dadkaasi haddii ay gacanta kusoo dhigaan, isagoo sheegay inay hayaan xog badan oo saraakiishaasi ku aadan.

Maxamed Cismaan, ayaa sheegay in dhawaan ay fulin doonaan howlgalo dhanka amaanka ah oo ay ku bartilmaameysanayaan saraakiisha Alshabaab ee xaafadaha qaar ee Muqdisho ku sugan.

“Shacabka ayaa si aad ah noola shaqeeya o dareemay wanaaga iyo Soomaalinimada, waxaana heynaa xogo badan oo ku aadan saraakiil Muqdisho ku dhuumaalaysanaysa howlgalo ayaana ku qaadi doona”ayuu yiri afhayeenka wasaarada amniga.

Xalay ciidamada amaanka ayaa Muqdisho ku dilay nin magaciisa lagu sheegay Nuur Baraxow oo la sheegay inuu ahaa sarkaal Alshabaab dhanka dilalka u qaabilsanaa.