Wasiirka Gaashaandhiga DF oo sheegay war farxad geliya Al-shabaab

0

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ka hadlay qorshaha dib udhiska ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee Dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto.

Wasiirka wuxuu sheegay in Soomaaliya hada ay qaaday dhabihii ciidamadeeda xooga dalka Soomaaliyeed ay ku dhisan laheyd, wixii ka dambeeyay markii tababarada ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Magaalada Muqdisho gudaheeda loosoo wareejiyay.

Inkastoo Dowladda Federaalka dalka ay juhdi badan ku bixinayso dhismaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa hadana Wasiir Xaamud, wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay saaran tahay Xayiraad dhanka hubka ah oo aysan sameyn karin Dowladda dhaq-dhaqaaq badan oo dhanka hubka ah.

“Dowladda cunaqabateen ayaa saaran dagaal culusna wey ku jirtaa goormee ciidan dhiseynaa wey adag tahay dabcan laakiin dadaalkii waan wadnaa oo ciidamadeena kala duwan waan dhisanaynaa”Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga dalka.

Wasiirka gaashaandhiga dalka Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku muujiyay in dhismaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ay caqabad ku tahay xayiraada dhanka hubka ah ee saaran dalka Soomaaliya.

Wasiir Xaamud ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Mareykanka ay u balan qaaday dhismaha iyo taageerida ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, taasina ay tahay fursad wanaagsan oo mudan in laga faa’iideysto.

Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub, ayaa ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed tababar waxa ay ku siin jireen dalka Uganda, laakiin hada tababarkaasi Soomaaliya ayaa loo soo wareejiyay.

Dhismaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa door muhiim ah ka qaadan karta soo noqoshada hanaanka Dowladnimo ee dalka Soomaaliya.