War Cusub: Dawladda Imaraadka Carabta Oo Uga Digtay Shacabkeeda Inay U Safraan Dalal Ay Soomaaliya Kamid Tahay.

0

Muqdisho, AGGM:Xukuumadda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan dalal ay ku jirto Somalia, kuwaa oo ay sheegeen inay ka jiraan khataro dhinaca ammaanka ah.

Xafiiska arrimaha dibadda ee dhinaca socdaalka Imaaraadka Carabta ayaa uga digay shacabkooda inay u safraan dalalka; Koonfurta Sudan, Somalia iyo Afgaanistaan. Iyagoo horay muwaadiniinta dalkaas uga digay inay u safraan tagaan dalka Libeeriya sababo dhinaca caafimaadka ah awgood.

Barta Twitter-ka ee xafiiska ayaa lagu daabacay in muwaadiniintoodu ay ka fogaadaan inay dalalkaas tagaan, iyadoo xafiisku sheegay inay dhici karto in la beegsado.

Sidoo kale, xafiiska ayaa uga digay in muwaadiniintooda sidoo kale u safraan dalal ay ka mid yihiin; Ukraine, Lebanon, Syria, Yemen, Nigeria, Ciraaq iyo Liibiya, oo ay sheegeen inay ka jiraan khataro amni.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay shirkadda Emirates oo ah tan ugu weyn dalka Imaaraadka Carabta ay joojisay duulimaadyo ku tagi jireen dalka Ciraaq, kaddib markii ay sheegeen inay ka baqeen in diyaaradda lasoo rido.

Emirates ayaa sidoo kale joojisay duulimaadyadii ay ku tegi jiray dalalka ku yaalla galbeedka Afrika, iyagoo sheegay inay baqdin ka qabaan cudurka ka dilaacay ee Ebola oo in ka badan 1,000 qof ku dilay dalalkaas.

Digniintan ayaa qayb ka ah sida xafiisku sheegay qorshayaal lagu doonayo in lagu ilaaliyo muwaadiniinta dalkaas u dhashay, si aysan khataro dhinaca ammaanka ah ula kulmin, inta ay ku jiraan safarrada ay qaybo caalamka ka mid ah ku tagayaan.

Wadanka Soomaaliya oo qayb ka ah dalalka amni-xumada awgeed looga digay inay u safraan shacabka Imaaraadka Carabta ayaa waxaan jirin dad dalkaas kasoo jeeda oo horay u imaan jiray Soomaaliya, marka laga reebo kuwa hay’adaha samafalka ka tirsan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com