Siyaasiyiin” Ciidanka Dawlada Uma Dhisna Hab Qaran”

0

Muqdisho(AGGM) Siyaasiyiin kulan ku yeeshay  magaalada Muqdisho ayaa dhamaantood waxa ay qireen in ciidamada dawlada Soomaaliya aysan u nidaamsanayn hab ciidan qaran.

Siyaasiyiintaan ayaa ku baaqay in arrintaas ay dawlada wax ka qabato si soomaaliya looga saaro xaalada murugsan.

Soomaaliya waxay lahayd ciidamo qaran kuwooda ugu awooda iyon tayada fiicnaa qaarada Afrika oo dhan xiligii Allaha u naxariistee Madaxweyne Gen Maxamed Siyaad Barre laakiinse haatan ayaa waxaa la isku raacay in inta badan ciidamada dawlada ay u diyaarsanyihiin hab ah qaab qabiil.

qorshahooduna ahaa sidii ay u difaaci lahaayeen shaqsiyaadka iyaga markaa watay.

Dawlada  Soomaaliya ayaa waxaa lagu dhiirigeliyey inay hubka ka aruuriso maleeshiyaadka ayna u furto tababaro ciidan oo heer qaran gaarsiisan.

Goor sii horeysay ayaa waxaa Wasiirka Difaaca Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud wuxuu shaaca ka qaaday in Soomaaliya aysan lahayn  ciidan qaran oo awood leh.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com