Sawiro: Muungaab Oo Lagu Soo Dhaweeyay Stockholm

0

Stockholm (AGGM) Xasan Maxamed Xuseen Muungaab Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Halkaas waxaa ku dhaweeyay dadweyne farabadan oo ku sugayay garoonka diyaaradaha Arlanda ee magaalada Stockholm. Muungaab duqa Muqdisho ayaa waxaa uu uga mahadceliyey sidii ay u soo dhaweeyeen.

Guddoomiyaha ayaa magaalada Stockholm ku joogi doona booqasho casuumaad ah uu ka helay duqa Stockholm. Guddoomiyaha wuxuu kaloo la kulmi doonaa xubno ka tirsan baarlamaanka wadanka Sweden isagoo ugu dambeyna kulamo waaweyn la qaadan doona jaalliyada ballaaran ee Soomaaliyeed ee wadankaas ku nool.

Xasan Maxamed Xuseen Muungaab Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa si lamid ah wuxuu booqan doonaa wadamo kale  oo qaarada Yurup ka mid ah.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com