Puntland Oo Laga Caawinayo Ballaarinta Dekada Boosaaso

0

Boosaaso(AGGM) Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Boosaaso wuxuu kulan kula qaatay danjiraha Emiraatka u qaabilsan Soomaaliya.

Kulankaas ayaa waxaa looga hadlayay iskaashi ganacsi oo dhexmara Puntland iyo Emaraatka carabta kaasoo ah iskaashi ganacsi oo ballaaran.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa saxaafada u sheegay in waftiga uu kala hadlay sidii loo ballaarin lahaa dhismaha dekedda. Mashruucaas ayuu sheegay in uu dhawaan bilaaban doono.

Gaas ayaa intaas ku daray in mashruuca uu faaiido weyn u noqon doono umada Puntland degan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com