Meyd Gowracan, Deedna Gaari La Marsiiyey Oo Lagu Arkay Lafoole

0

Muqdisho(AGGM) Meydka Nin sida la sheegayo la gowracay ayaa saaka aroornimadii lagu arkay meel duleedka ah caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Meydka oo aan wali si rasmi ah loo aqoonsan ayaa sida la sheegay kaddibmarki la gowracay gaari laga mariyey madaxa si aana loo aqoonsan.

Maamulka Degaanka Lafoole ayaa u gurmaday si ay u soo arkaan balse ma aysan caddeyn cida iyo sababta loo dilay ninkaan.

Alshabaab ayaa lagu tuhmayaa in ay ka dambeeyeen dilka ninkan inkastoo iyaguna aysan wali sheegan.

Gowraca iyo dilalka ayaa magaalada Muqdisho caadi ka noqday, maadaama ay jiraan kooxo nabad diiida ah oo dilalkaas silsilada noqday si qarsoon ugu gaysta shaqsiyaadka waxgalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com