Madaxweynaha Puntland  Dr Gaas Oo Garoowe Ka Dhoofay

0

Garoowe (AGGM) Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas madaxweynaha Puntland iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka ka dhoofay magaalada Garoowe, iyagoo safar deg deg ah ugu ambabaxay magaalada Boosaaso.

Bosaso xarunta gobolka Bari ayaa maalmahan dambe waxaa ka dhacayay falal amaandaro, kaasoo uu ugu dambeyeeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaarajiyey taliyihii qeybta Booliska Bari Cabdiraxmaan Muslim.

Gaas ayaa la sheegay in uu ku degi doono  saldhiga ciidanka badda Puntland ee deegaanka Qow halkaasoo la filayo inuu uga sii gudbo magaalada.

Safar Gaas lama sii shaacin sababa la xiriira amaanka darted, balse waxaa la leeyahay in uu halkaas u aaday sidii uu heshiis kula soo saxiixan lahaa masuuliyiin ka timid Emiraatka Carabka oo dekada Boosaaso ka fulinayo mashaariic kala duwan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com