Garaad Cabdullaahi Ciid” Xaabsade Wax Badan Ayuu La Qaban Karaa Puntland”

0

Garoowe (AGGM) Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ah afhayeenka Isimadda Puntland ayaa sheegay in Axmed Cabdi Xaabsade uu leeyahay awood uu wax wayn kula qabtay Puntland, isagoo gacan ka gaysan kara bedel siyaasadeed oo ka dhaca gobolka Sool.

Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade ayaa shalay gaaray Garoowe, isagoo dib uga soo noqday Soomaaliland oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay.

Garaad Ciid ayaa sheegay in Soomaaliland ay gobolkaas gacanta ku hayso muddo ka badan 7 sano. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa ka mid ah dadkii aasaasay Puntland.Balse wuxuu goor dame ku biiray Soomaaliland , isagoo ka carooday habka Puntland ay ku shaqaynaysay.

Garaad Cabdullaahi Ciid ayaa yiri ” Xaabsade Wax Badan Ayuu La Qaban Karaa Puntland”

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com