Dhageyso:Madaxweyne Xasan Oo Jaaliyada Soomaalida Ee Minnesota Ka Codsaday Laba Arrimood “Inay Joojiyaan Taageerada Al Shabaab Iyo Caadifada Qabiiliga Ah”.

0

Muqdisho, AGGM:Madaxwaynaha dawlada Soomaliya mudane Xasan sheekh maxamuud ayaa wuxuu jeediyey Qudbad Qiiro badan, sidoo kalana wuxuu ka codsaday Jaaliyada Gobolka Minnesota laba Arimood.

Madaxwaynaha ayaa wuxuu siwayn uga hadlay Arinta caadifada Qabyaalada oo haatan mudo 24-sano kadib dib uga curatay qurubaha, Wuxuuna waydiiyey Inay dhaafi karaan Caadifada Reer Hebel.

Hadalka madaxwaynaha ayaa wuxuu kusoo beegmayaa Iyadoo banaanbixii looga soo Horjeeday lagu kala qayb samay, kadib markii Koox dano gaara watay ay si isir Nacayb ah u aflagadeeyeen Beelo soomaaliyeed taasi oo lagu sheegay inuu ahaa qorshe u qarsoonaa, waxaana Banaanbaxa ayaa markii hore ku salaysnaa Dhaliil madawaynaha umada Soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com