Dhageyso: Beelaha Ceyr Iyo Murursade Oo Si Aad Ah U Cambaareeyay Weerarki Ciidamada Dawladda Ee Xildhibaan Cabdiwali Qanyare Iyo Cabdi Waal.

0

Muqdisho(AGGM) Sida aan ku helayno warar Muqdisho naga soo gaaraya beelaha  Ceyr iyo Murusade ayaa waxaa ay Muqdisho ku yeesheen kulamo labadaas beelood gaar u ah.

Kulamada ayaa waxaa si gaar ah ay labadaas beelood uga arrinsanayaan hub ka dhigis lagu sameeyay labo hoggaamiye kooxeed  cabdi waal iyo Cabdi wali qanyare.

Labada nin ayaa waxaa xalay weeraray ciidamo ka tirsan dawlada, kuwaasoo doonayay inay hub ka dhigis ku sameeyaan.

Labada beelood ayaa ka tashanaya sidii ay si wada jir ah isaga kaashan lahaayeen qorshe ay u middeysanyihiin oo ay isaga dhiciyaan dawlada.

Hubkadhigista beelaha Muqdisho ayaa waxaa soo dhaweeyay dad badan oo u arkay inay taasi noqon doonto furaha xalka Soomaaliya.

Halkaan Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com