DEG DEG:- Gal-mudug oo ciidamo soo dhoobtay Gaalkacyo iyo Dagaalo laga cabsanaayo

0

Heegan sare ayaa la geliyay ciidamada ammaanka Maamulka Galmudug ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliiska Maamulkaasi.

Ujeedada heeganka loo geliyay ciidamada ayaa ah in laga cabsi qabo weeraro Xoogaga Al Shabaab ay ka geystaan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo 14-Bishan looga dabaaldagayo 8-sano guuradii kasoo wareegatay, markii la aas-aasay Maamulka Galmudug.

Taliyaha ciidamada Booliiska Maamulka Galmudug C/risaaq Cabdule Xabeeb oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo gudaheeda, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada ay heegan buuxa ku jiraan ayna ka feejigan yihiin falal amnidaro oo dadka cadoowga uu ku tilmaamay ay ka geystaan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in ciidamada habeen iyo maalin ay sameyn doonaan roondo joogto ah, maadaama xuska Aas-aaska 8-sanoguuradii kasoo wareegatay maamulka Galmudug waxyar ay ka dhiman tahay.

Wuxuu ka codsaday shacabka Galmudug ku nool inay la shaqeeyaan ciidamada Maamulka si la isaga kaashado ka hortagida weeraro Shabaabka hubaysan ay ku carqaladeeyaan Xaflada lagu xusayo 8-sanoguuradii kasoo wareegatay aas-aaska Maamulka Galmudug.

Wariyeyaasha Gaalkacyo ku sugan ayaa soo sheegaya in dhanka Koonfurta Gaalkacyo lagu arkayo ciidamo cusub oo ammmaanka xaqiijinaya, kuwaasi oo qaarkood laga soo saaray xerooyinkii ay tababarka ku qaateen.

Al Shabaab ayaa si iskumid ah kaga soo wada horjeeda dhamaan Maamulada kawada dhisan dalka Soomaaliya.