Dawlada Norway Oo Mashruuc Ay Ku Aamini Waysay Raaskambooni U Dhiibtay Dawlada Soomaaliya

0

Kismaayo (AGGM) Cali Xaaji Aadan oo ka tirsan mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyada Soomaaliya oo kamid ahaa wafti gaaray Kismaayo maanta ayaa sheegay in halkaas ay u tageen sidii ay mashruuc lagu horumarinayo wadooyinka iyo adeegyada bulshada uga fulin lahaayeen.

Mashruuca waxaa ku deeqday dawlada Norway balse kaddibmarkii lagu aamini waayay maleeshiyada Raaskambooni waxaa la soo marsiiyey wasaarada maaliyada Soomaaliya.

Mashruucaas waxaa ku baxaya 750,000 Oo Doolar, wuxuuna faaiido u yahay umada deegaanka waa haddii aan loo dhiibin maleeshiyada Raaskambooni ee lacagahaas ku iibsan kara hub.

Adeegyada dadweynaha Kismaayo ayaa waxaa saameeyay dagaalo iyo dayactir la’aan, tannoo umada deegaanka ay u aanaynayaan maamul xumo halkaas ka jirta.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com