Alshabaab Oo Sheegatay Inay Dishay Sarkaal ka tirsan Hay’adda Sirdoonka

0

Muqdisho (AGGM) Sarkaalkan oo magaciisa lagu soo koobay Madoobe Black ayaa waxaa caawa salaadii maqrib kaddib Xaafadda Suuqa Beerta ee Degmada Waaberi ku toogtay rag watay bistoolado.

Muqdisho waxaa ka dhaca dilal, qaraxyo iyo weeraro ka dhan saraakiisha iyo masuuliyiinta dawlada iyo waliba dadka rayidka ah.

Alshabaab ayaa barteeda internetka ku sheegatay dilka askariga, mana aysan bixin faahfaahin intaas dhaafsiisan.

Dhinaca kale dawlada wali kama aysan hadlin dilkaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com