Akhri: Eedaha Laga Tirsaday Safarkii Madaxweynaha Ee Minnesota

0

Minnesota (AGGM) Jaaliyad aad u badan ayaa u soo baxdey inay taageeraan Madaxweynaha DFS mudane Xassan Sh. Maxamuud kuwaas oo ahaa Somali-American ku nool Magaalada Minnesota iyo kuwo ka yimid magaalooyin ka tirsan Qaaradda waqooyiga Amerika, kuwaas oo dhamaantood intii u heshay nasiib ay galeen Hoolkii shirka lagu qabanayey, maxuu ahaa habdhaqankii iyo soo dhaweyntii ay sameeyeen Jaaliyadda taageersan madaxweyna Xassan Sheekh ,maxayse indhaha dadkii Soomaaliyeed ee gudaha hoolka galey sugayeyna madaxweyne Soomaaliyeed la kulmeen, wixii ka dhacey waxaan ka xuseynaa dhowr qodob

1. Guddigii madaxda u ahaa soo dhaweynta iyo marti gelinta madaxweyne Xassan Sheekh dhamaantood waxa ay ahaayeen hal Qabiil ama hal Reer oo ku abtirsada kan uu ka soo jeedo madaxweynuhu.

2. Kooxihii fananiinta oo madasha maaweelada iyo baaraarujinta looga yeeray waxay sidoo kale ahaayeen koox-faneed loo soo abaabuley qaab beel halkaas oo aysan sooba xaadirin hoboladdii qaranka Soomaaliyeed ee caanka ahaa degana magaalada Minnesota.

3. Weriyayaasha iyo Xiriirinayey waxaa hor boodayey ama isku dhejinayey waxay ahaayeen koox Qabiil la sheeganayey madaxweynaha.

4. Sheekhii Furitaanka Ayaadaha Quraanka iyo wacdiga lagu furey wuxuu ahaa Sheekh magaalada degan wuxuuna ahaa Sheekh caan ku ah Soomaalida magaaladda Minnesota, balse mar uu ka hadlayey Soomaalida iyo Xoriyadda waxa ay ka soo martey wuxuu soo qaatey magaalooyinka Hargeysa,Burco .dhuusamareeb , hiiraan, Kismaayo….ilaa Muqdisho ayuu ku magacaabey asagoo ka boodey magaalooyinka degaanadda Puntland iyo kuwo koonfurta Soomaaliya ku yaal bal heerka ay Qabiil ka gaareen Culimmaddii Soomaaliyeed.Ma aan garan karayno in uu hilmaamay magaalooyinka Puntland iyo inkale.

5. Safafka hore waxaa loo jaangooyey oo fariistay beesha Madaxweynaha.

 

b) Jaaliyaddii ku Banaanbaxdey .

Jaaliyadda ku baanbaxeysay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamud ee Soomaalida magaaladda Minnesota aadbey u yareyd kala furfuris ku timid darteed, waxaa ugu darneyd markii ay  timid isqoonsi, fashil iyo waxyaalo isdiidan ama dabarjab ku ah Soomaalida magaaladda Minnesota oo waxaa dhacdey dib u gurasho iyo kale shaki markiiba waxaana aan ka soo qaadi doonaa dhowr qodob.

1. Dadweynaha Soomaaliyeed ee magaaladda Minnesota waxa ay diyaar u ahaayeen 80% inay ku bananbaxaan madaxweyne Xassan Sheekh balse waxaa ka soo dhex galey koox xagjir qabiil ah oo Soomaali sii kal fogeynaysa kuwaas oo watey Boorar ay ku qoran yihiin magacyo qabiil.

2. Dad badan baa dib uga gurtay in ay ku banaanbaxaan Madaxweynaha Soomaaliya Xassan SH sababta oo aheyd iyada oo maalinimada Talaadada soo aadan oo taariikhdu tahay 12ka Bishaan Agoosto 2014 ka wiil Soomaali Mareykan ah laguna magacaabo Mohamud Noor uu kula loolamayo haweeneyda lagu magacaabo Phyllis L. Kahn kursiga baarlamaanka gobolka Minnesota, haweyneydaas ayaa si cad u taageeray qaar kamid ah dadka lugta weyn kulahaa banaanbaxaas ee soo qabanqaabiyey shaki weyn beyna ka qabeen in abanaabaxaas lugu dibindaabyeenayo musharaxooda Mohamud Noor.

3. Koox ayagu diidanaa Siyaasada madaxweyne Xassan Sheekh balse la beel ahaa oo markii horeba kuwo taageerayaasha Xassan Sheekh ay lahaayeen joojiya Bananbaxa aad ka qayb gelaysaan ayaa dib u gurasho sameeyey markii goobta banaanbaxa la isugu yimid ayagoo ay idhahooda ay qabteen Erayo ama boorar ay Qabiilo ku qoran yihiin oo arrinkiiba u arkey wixii Soomaaliya yaaley in Minnesota loo soo wareejiyey..

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com