XOG:- Qorshe duulaan ah kuna wajahan Jubada Dhexe oo soconaaya (YAA WADA)

0

Ciidamada Kenya ee ku sugan Gobalada Jubbooyinka ayaa isku diyaarinaya weeraro ay ku qaadaan Al Shabaabka ku sugan Gobalada Jubbooyinka gaar ahaan Magaalooyin ay kamid tahay Degmada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe.

Ciidamada Dowlada Kenya ayaa la sheegay in qeybta ugu weyn ee howlgalada Jubbooyinka ay qaadan doonaan, waxaana qorshaha uu yahay inay la wareegaan fariisimaha Al Shabaab ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka.

Afhayeenka ciidamada Amisom oo Wareysi siiyay Wargeyska The Standard ee kasoo baxa Kenya ayaa sheegay in qorshahaasi uu yahay mid socda oo ay isla garteen saraakiisha ciidamada Amisom, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa hada jiro lix qeybdood oo ciidan oo ku sugan deegaanada howlgalada laga fulinayo, ciidamada Kenya waa sector-ka labaad oo masuul ka ah Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe”sidaasi ayuu yiri Cali Aadan Xumad afhayeenka Amisom.

Wuxuu tilmaamay Afhayeenka Amisom in howlgalada ay noqon doonaan kuwa taxadar leh oo la ilaalinayo shacabka ku nool deeganada howlgalka ay ka dhici doonaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dhawaan uu bilaaban doono Wajiga labaad howlgalka dalka Soomaaliya looga saarayo Xoogaga Al Shabaab ee Dowladda Soomaaliya mucaaraadka ku ah.

Amisom ayaa Dowladda waxa ay ka caawisa dhanka nabadgalyada iyo la dagaalanka Mintidiinta Shabaab oo qeybo kamid ah Gobalada dalka Somaaliya weli maamula.