Top News:Ciidamo Kasoo Goostay Axmed Madoobe Oo Ku Biiray Ciidamada Col. Bare Hiiraale.

0

Goobweyn, AGGM: Wararka laga helayo Deegaanka Goobweyn ee duleedka Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in ciidan kasoo goostay Axmed Madoobe ay shalay gaareen deegaankaasi.

Ilo wareed lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ciidankaasi ay Axmed Madoobe katirsanaayeen oo qaarkood ay xitaa ahaayeen kuwii ka qeyb qaatay qabashadii Magaalada Kismaayo Labo sano ka hor.

Waxa Saraakiil u hadashay Barre Hiiraale ay sheegeen in ciidankaasi dhankooda usoo goosteen islamarkaana si weyn loogu soo dhaweeyey iyaga iyo hubkii ay wateen deegaanka Goob weyn oo Barre iyo ciidankiisa fariisin ku leeyihiin.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin maamulka Axmed Madoobe oo ay ku beeninayaan ama ay ku rumeynayaan warkaan sheegaya ciidan dhankooda ka goostay oo dhinaca Barre Hiiraale ku biiray.

Dagaal ayaa waxa uu hore Kismaayo ugu dhexmaray ciidanka Axmed Madoobe iyo kuwa Barre Hiiraale taasi oo keentay in Ciidankii Hiiraale Dibada magaalada Kismaayo looga saaro hadana ay joogaan Duleedka magaaladaasi.

Maalmihii dambe Kismaayo Duleedkeeda waxa ka socday dhaq dhaqaaqyo ciidan kuwaasi oo lagu doonayo in Duulaan lagu qaado magaalo Xeebeedka Kismaayo oo Ciidan kasocda Kenya iyo Sierra Leone ay qeyb ka mid ah joogaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com