Top News: Eedeysane Xasan Xanafi Oo Maalinta Isniinta Ah Laga Soo Dajinayo Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho, AGGM: Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dawladda Kenya ay ogolaatay inay kusoo wareejiso Dawladda Soomaaliya Sargaal katirsan Ururka Al Shabaab.

Eedeysane Xasan Xanafi Xaaji ayaa loo heystaa inuu ka dambeeyey shirqoolo lagu dilay Mas’uuliyiin idaacadeed iyo wariyeyaal Soomaliyeed oo sanado kala duwan lagu dilay magaalada Muqdisho.

Xasan Xanafi ayaa sida la qorsheynayo waxa la sheegay in laga soo dejin doono Muqdisho Maalinta Berrito oo Isniin ah Taariikhduna ay ku began tahay 11-August 2014-ka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Shiikh Cali Dhuxuloow oo Saxaafada la hadlay waxa uu sheegay inay maxkamad la tiigsan doonaan Xasan Xanafi Xaaji markii loo soo gacan geliyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com