Sawiro: Suuf Lagu Beeray Afgooye 24 Sano Kaddib

0

Afgooye(AGGM)  Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda D.O.C oo ah hay’adda horumarinta beeraha iyo quburo xagga beeraha ah ayaa kormeeray beero si tijaabo ah loogu beeray suuf.

Suufkan ayaa waxaa Soomaaliya looga keenaa dalka dibadiisa balse haatan tillaabadaas ayaa ah mid lagu guulaystay.

Beeraleyda Afgooye ayaa waxa ay deegaankaas ku beereen suuf. Waxaana beeralayda kormeer ugu tagay masuul kuwaasoo soo arkay sida suufka uu u baxayo.

Maxamed Faarax oo ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adda D.O.C ayaa sheegay in waxyaabaha ku dhaliyay in la tijaabiyo dalaga Suufka uu yahay sidii loo dhiiri gelin lahaa beeraleyda, islamarkaana loo abuuri lahaa mashaariic lagu horumarinayo wax soo saarka dalagyada kala duwan.

Tillaabada suufka lagu abuuray ayaa lagu macneeyay mid sare loogu qaadayo waxsoosaarka beeralayda Soomaaliyeed ee ay daashadeen waxsoosaar xumo.

s1 s2 s3 s4 s5 s6

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com