Maleeshiyada Raaskambooni Oo Guryo Shacab Ay Leeyihiin Ku Yaacay Kaddib Dil Loo Gaystay Sarkaal Ka Tirsan

0

Kismaayo (AGGM) Magaalada Kismaayo waxa ay caan ku noqotay amaandaro iyo fawdo xittaa ka daran tii 1991dii markaasoo ay Soomaaliya gashay burbur xoogan.

Magaalada waxaa saacad saacad uga dhaca dilal, qaraxyo, afduubyo shacab loo gaysto, xarig, iyo bood ay gaysanayaan maleeshiyaadka Raaskambooni.

Kaddib dil xalay Kismaayo loogu geystay sarkaal ka tirsanaa ayaa waxaa saaka ay maleeshiyadaas caro kula dhaceen dadkii deegaanka, iyagoo guryaha baaranaya, lana baxaya dhalinyarada.

Ku 20 qof ayaa la sheegay in la qabqabtay saacadihii ugu dambeeyay, kuwaasoo dhamaantood ahaa shacab aan wax galabsan.

Ehelada dadkaan ayaa inoo sheegay inay aad u walwalsanyihiin maadaama lacago badan oo baad ah laga qaado markii qof laga qabsado.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com