Koox Hubeysan Oo Weerartay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Bari

0

Boosaaso(AGGM) Koox aad u hubeysan ayaa waxa ay weerar xoog leh ku ekeeyeen gaadiid uu saarnaa Cabdifitaax Xaaji Aadan oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Bari. Waxba ma gaarin Cabdifitaax sida ay ku warameen goobjoogayaal.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Gobolka Bari ayaa horey u riday xukuno lagu qaarijey kooxo Alshabaab oo dilal ka gaystay gobolka Bari.

Weerarkaan ayaa imaanaya xili dhawaan uun ay ahayd  markii weerar ismiidaamin ah lagu dilay taliyihii qeybta Boliiska ee Bari Muslim.

Alshabaab iyo cid kale toona ma sheegan weerarkaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com