Duqa Kismaayo Oo Sheegay In Fartaag Uu Xanuunsanyahay

0

Nairobi (AGGM Horjoogaha guddoomiyaha  Degmada Kismaayo ugu magacaaban maleeshiyada Raaskambooni  Ibraahim Maxamed Timajilic oo ka hadlay safar Fartaag horjoogaha 2aad ee Raaskambooni aya fashiliyey ujeedada safarkaasi.

Timajilic ayaa sheegay in Fartaag uu aad u xanuunsanayo sidaas darteedna isbitaal uu u tagi doono dalka Turkiga. Wuxuu sheegay in safarkiisu uu yahay mid gaar ah oo dhan caafimaad ah.

Fartaag ayaa la rumeysanyahay in xaaladiisa caafimaad aan waxba looga qaban karin Nairobi. Hadalka horjoogahan ayaa wuxuu shaki geliyey xaalada caafimaad ee Fartaag oo aan isagu saxaafada la hadlin markii uu Kismaayo ka soo dhoofayay.

Safaarada Turkiga ee Nairobi ayaa hadda Viiso loo waydiiyey si ay ugu suurtagasho inuu halkaas u dhoofo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com