Dhageyso:Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Mareykanka.

0

Mineapolis, AGGM: Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka kula kulmay jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesota.

Guddoomiyaha qurba joogta Soomaalida ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka Fartuun Cabdulle Maxamed ayaa Bar-kulan u sheegtay in madaxweynaha ay kala hadleen sidii wax looga qaban lahaa arrimaha nabadgelyada iyo midnimada, si looga wada shaqeeyo nabadda iyo horumarka dalka.

Fartuun Cabdulle ayaa tilmaantay in madaxweynaha uu ugu warbixiyay jaaliyadda dadaallada nabadda ee ay waddo dowladda iyo guulaha laga gaaray kooxda Al-Shabaab.

Waxey kaloo sheegtay in madaxweynaha uu kala hadlay jaaliyadda sida qurba joogta Soomaalida, gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ay ugu qeyb qaadan lahaayeen horumarka dalka.

Dhinaca kale qaar ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Mineapolis ee dalka Mareykanka ayaa sameeyay mudaaharaad ka dhan ah madaxweynaha, kuwaasoo dowladda ku eedeeynayay musuq-maasuq iyo inay ku fashilantay arrimaha ammaanka.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka ugu qeyb galay shirkii dhawaan lasoo gabagabeeyay ee ay yeesheen madaxda Afrikaanka iyo Mareykanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com