Dhageyso: Xildhibaano Isaga Soo Haluulay Muqdisho Oo Maanta Gaaray Magaalada Galkacayo.

0

Gaalkacyo, AGGM:Xubnahan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Puntland oo noqonaya qaybtii labaad waxaa garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee Gaalkacyo ku soo dhaweeyay masuuliyiinta heer degmo,heer gobol iyo qaybaha bulshada ee Gaalkacyo.

Wafdigan xildhibaanada oo ka koobnaa afar mudane waxaa hogaaminayay xildhibaan Maxamed Xuseen Xagaafe, waxaana markii lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha kulan kooban oo xog-is dhaafsiya ay ay xarunta madaxtooyada kula qaateen wasiirka arimaha gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

Axmed Karaash ayaa soo dhaweyn ka sakow waxaa uu mudanayaasha maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo uu waxyar ka taabtay waxyaabihii dhaliyay in dawladda Puntland ay go’aan adag ka qaadato DF ee Soomaaliya, isla markaana ay u yeerato xubnaha kaga jira dawladda dhexe, waxaana hadaladii wasiirka arimaha gudaha ka mid ahaa.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Xagaafe oo wafdigani horkacayay ayaa isaguna sharaxaad ka bixiyay imaatinkooda Puntland iyo sida ay u aqbaleen dalabkii uu u soo jeediyay madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali ee ahaa inay wada tashi Garoowe isugu yimaadaan xubanah ka soo jeeda deegaanada Puntland ee ku jira golayaasha dawladda dhexe ee Soomaaliya.

Wafdigan xildhibaanada ayaa isla duhurnimadii u sii gudbay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe oo ay ku sugan yihiin ku dhawaad 10 xildhibaan oo iyaguna ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Halkan Hoose Ka Dhageyso Wasiir Axmed Karaash.

Halkan hoose Ka Dhageyso Xildhibaan Maxamed Xuseen Xagaafe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com