Dhageyso: Uhuru Kenyatta “Ciidamadeena Hadaan Kala Baxno Soomaaliya Dalka Kenya Manabad Galayo”.

0

Nairobi, AGGM: Madaxeynaha Kenya Uhuru Kenyaata oo ka hadlayay baaq kasoo baxay Mucaaradka oo ahaa in Ciidamada Kenya laga saaro Somaaliya ayaa sheegay in dalkiisa uusan ka nabadgali doonin Weerada Al-Shabaab xitaa hadii Ciidamadooda ay kala baxaan Soomaaliya sidaasi darteedna weerarada Shabab ka fulinyaan meelo ka mid ah Kenya aysan sabab u noqon doonin inay ka baxaaan AMISOM

“Qiyaas maanta Ciidamadaa waad kalasoo baxday Somaaliya maxaa damaanadqaad ah oo aad heysataaa ,mana siin kartaa wax damanaqad ah 40-Million , ee kenyaatiga ah , ma sameyneyo ma yeeleyno manaba waqti un Kenya Ciidamadeeda wey kala bexeysa Somaaliya ,waqti un ayay noqon doontaa,lkn waa markii Somaaliya ay xasilooni hesho ,marka ay sameystaan Dowladd awooda inay ilalaiso dhulkeeda iyo dadkeeda”

Ciidamada Kenya bishii October ee sanadkii 2011- soogalay Somaaliya iyagoo ka jawaabay weeraro ay shababa dalakasi ka geysteen waxaana markii dambe ay ku biireen howlgalka AMISOM ,iyadoo dad badan ay aaminsan yihiin Kenya ay dhib u ka dhaxashay Askarta ay Somaaliya usoo dirtay .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com