Dhageyso+Sawiro: Axmed Cabdi Xaabsade Oo Maagalada Garoowe Ay Ku Soo Dhaweeyeen Madaxda Puntland

0

Garoowe, AGGM: Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka la magac baxay Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Axmed Cabdi Xaabsade uu galabta waqtigii Salaada Makhrib soo gaaray Magaalada Garoowe islamarkaana maanta gelinkii hore ka soo talaabay Xuduuda Itoobiya isagoo ka yimid Magaalada Jig Jiga ayaa waxaa xarunta Madaxtooyada maamulka Puntland ku qaabilay Madaxda Puntland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali gaas.

Duleedka Garoowe waxa Wafdigii Xabsade uga hortagay dadweyne iyo Madax Puntland ka tirsan oo u muujiyay soo dhoweyn.

Madaxweynaha Puntland Gaas ayaa sheegay in ay farxad gelinayso Imatankiisa Axmed Cabdi Xaabsade.

“gurigaga rasmigaayaa ku yaala ehelkaga joogo wan kugu soo dhoweynayna, Axmed waa Oday nagu soo Biiray taladiisa, aqoontiisa iyo Khibradiisa siyasadeed waxay Puntland u tahay wanaag ” ayuu yiri Gaas.

Axmed Cabdi Xaabsade oo Maamulada Puntland iyo somalilandba horay xilal kala duwan uga soo qabtay ayuu sheegay in Maanta uu diyaar u yahay in uu ka qayb qaato siyaasadda Puntland.

” Waxan ku faraxsanahay in an ku soo noqdo Puntland oo aan horay asaskeeda u laha muddana ka maqna haddana in aan ka qaybqato ayaan u imid wana balan qadaya inaan la shaqeeyo” ayuu yiri Xaabsade.

xaabsade

x2 x3 x4 x5 x6 x7 x9 x10

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com