Dhageyso: Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare ”Nabadsugida Dawlada Ayaa I Dili Rabtay”

0

Muqdisho (AGGM)  Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare oo ah wiil uu dhalay Maxamed Qanyare Afrax ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa caawa waxa uu ka badbaaday isku Dil. 

Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dawlada gaar ahaan laanta nabadsugida ay soo wareerareen, iyagoo dili rabay.

Cabdiweli Maxamed Qanyare ayaa yiri ”Nabadsugida Dawlada Ayaa I Dili Rabtay”

Ma uusan sheegin sababta ka dambeysay in ay weeraraan ciidamadaas. Xildhibaanka ayaa sheegay in uusan garanayin cida bixisay amar ah in la soo weeraro.

Halkaan Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com