Mudaharaad Ka Dhan Ah AMISOM Oo Ka Dhacay

0

Marka (AGGM) Boqolaal banaanbaxayaal ah ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo ka soo horjeeday ciidamada dawlada iyo AMISOM oo ay ku eedeeyeen in ay dhibaato gaystaan.

AMISOM ayaa shalay qarax lagula eegtay magaaladaas, waxa ay rasaas aan look ala aaba yeelin ku fureen dad rayid ah, taasoo waxyeelo xoogan gaysatay.

Banaanbaxayaasha ayaa  waxa ay ku dhawaaqayeen AMISOM ha baxdo, dooni meyno dawlada iyo hadalo kale.

Ciidamada dawlada iyo AMISOMta Marka waxaa dhawr jeer oo hore lagu eedeeyay inay la safteen dhinacyo hab beeleed halkaas ugu dagaalamay

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com