Alshabaab Muqdisho Lagu Xukumay

0

Muqdisho (AGGM Ugu yaraan10 ruux oo kamid ah maleeshiyada Alshabaab ayaa waxa maanta xukun ku riday maxkamada Ciidanka Qalabka.

Maxkamada ayaa waxa xukunada ay riday isugu jireen dil iyo xabsi daa’in. Mid kamid ah raggii maxkamada la horkeenay ayaa waxa ay sheegtay in dil lagu xukumay.

7 kamid ah eedeysanayaasha ayaa lagu  riday xabsi daa’in , halka 2 kalena lagu xukumay min 10 sanadood oo xarig ah.

Raggan ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inay ka qeybqaateen falal amaan daro oo ka dhacay caasimada bishii Ramadaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com