Wafdi kormeer ah Oo Sheegay Inaysan Kismaayo Ahayn Amaan

0

Dhadhaab (AGGM) Sida ay sheegeen guddi ka kooban 19 qof oo ka baxay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo maalmahan safar kormeer ku joogay Kismaayo ayaa markii ay halkaas ka soo laabteen sheegay in Kismaayo aysan ahayn amaan.

Waftiga oo u kuurgalayay xaalada dhabta ah ee ka jirta Kismaayo si halkaas loogu celiyo ku dhawaad nus malyuun qaxooti Soomaali ah oo ku nool xeryaha Dhadhaab ee waqooyiga Kenya.

Waftiga ayaa sheegay in haddii qaxootiga la celiyo ay la kulmi karaan halis nabadgelyo maadaama amaanka magaalada uu yahay mid aad u liitada.

Waftiga ayaa sheegay in Kismaayo ay ka dhacaan dilal qorsheysan, kuwa toos ah, qaraxyo iyo gabood falo kale.

Tan iyo markii koox beeleedka Raaskambooni ee Axmed Madoobe ay sheegteen inay yihiin maamulka ayaysan dhaafin Kismaayo waxaana xittaa ay sugi la’yihiin amaanka goobaha ay ka deganyihiin magaalada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com