Waalidiin kulan la xiriira la shaqeynta ha’adaha amniga dalka Muqdisho loogu qabtay

0

Kulankan uu soo qaban qaabiyay ururka haweenka Gobolka Benaadir ayna ka qeyb galeen qaar ka mid ah waalidiinta ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid lagu soo dhaweynayay hadalkii uu dhawaan sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, kaasi oo ahaa in Waalidiinta carruurta ay qaldeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku soo wargeliyaan hay’adaha amniga, iyadoo ciddii amarkaasi ka dhago adeegta ay la kulmi doonto ciqaab adag.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray la shaqeynta hay’adaha ammaanka, si looga hortago falalka ay maleegayaan dhagar qabayaasha Al-Shabaab, kuwaasi oo caado ka dhigtay dhibaateynta bulshada Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah waalidiinta kulanka ka qeyb galay oo goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay ka go’antahay la shaqeynta hay’adaha amniga, islamarkaana ay waalidiinta kale ku dhiiri gelinayaan sidii carruurta ay marin habaabiyeen maleeshiyada Al-Shabaab ugu wargelin lahaayeen hay’adaha ammaanka.

Guddoomiyaha ururka haweenka ee Gobolka Benaadir Jawaahir Baarqab oo kulanka soo xirtay ayaa sheegtay in u jeedka shirka uu ahaa wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo waalidiinta Soomaaliyeed, si looga warqabo ilmaha ay qaldayaan kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab.