Ururka hawenka qaranka oo deeq gaarsiiyey xaruntii dowlada hoose

0

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta 100 kiish oo shamiindo ah gaarsiiyay xarunta dowladda hoose ee Xamar, halkaasi oo ay ka socoto howlo dib loogu dayactirayo xaruntaasi.

Guddoomiyaha ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Canab Xasan Cilmi ayaa sheegtay in  100-ka kiish ay maanta xarunta geeyeen ay kaga jawaabayeen hadalkii Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa Dalkaaga Dhiso, waxaana ay xustay in dhankooda ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dib u dhiska xarumaha danta guud.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Benaadir Cali Maxamuud Faarax “Cali Seeko” ayaa uga mahadceliyay ururka haweenka Qaranka kaalmada ay maanta soo gaarsiiyeen, isagoo bulshada inteeda kale ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska xaruntii hore ee Maamulka Gobolka ee “UFFICIO GOVERNO”

Dib u dhiska xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxa uu hadda maraya wejigii Koowaad, waxaaana sida mas’uuliyiinta Dowladda Hoose ay sheegeen qorshuhu yahay in muddo 6 bil ah lagu soo gabagabeeyo guud ahaan dhismaha xarunta “UFFICIO GOVERNO”.