Soomaalida South Africa Oo M/weyne Xasan Ka Dalbatay Safiir Deg Deg ah.

0
CAPE TOWN, South Africa – Isagoo aad uga caraysan dhibaatada gaamurtay ee ay manaxayaasha South African-ka ahi u gaystaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa Yuusuf Cumar Axmed oo Madax ka ah Jaaliyadda Save Somali Community waxa uu codsi deg deg ah u diray Dowladda Somalia.

“Dulqaadkii baa naga dhamaaday intaan ka dib masii fiirsan karno walaalaheen Soomaaliyeed oo inta la laayo ay dadkii dilayna iyagoo damaashaadaya ay weli Dukaankii ay falka ka geesteen sii gaafwareegaan, taasina waxaa looga bixi karaa in sharciga Dowladnimo lala tiigsado dambiilayaasha” sidaana waxaa goor dhow Xafiiska Jaaliyadda ee Magaalada Cape Town ka sheegay Gudoomiye Yuusuf Cumar.
Gudoomiyaha ayaa intaas ku daray in iyaga ka Jaaliyad ahaan ay dhexda u xirteen in lasoo qabto cid alaale iyo ciddii qof Soomaali ah waxyeelaysa, balse Kiiska dambiilaha maalmo ka dibba la laabo, waayo ma lihin buu yiri Danjire ama Safiir noo dooda oo xaqeena nooga dhiciya South Africa ka dowlad ahaan.
Dowladdu miyey ilowday Soomaalida ku nool South Africa ? ayuu isweydiiyey Yuusuf, Wuxuuna codsi cod dheer ah u diray Madaxda Dowladda Somalia gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu si deg deg ah Safiir ugusoo magacaabo dalka Koonfur Afrika, oo Kumanaan Soomaaliyeed ku nool yihiin kuwaasi oo si naf-lacaarinimo ah iyagoo wadnaha farta ku haya uga shaqaysta Tuulooyinka Magaalada ka baxsan si ay u dabaraan eheladooda ku nool Somalia.
South Africa oo Soomaalida ku nool lagu qiyaaso Konton-Kun oo ruux, ayaa waxaa ku yaalla Safaaraddii ugu horeysay ee ay Somalia ka furato dalkan, balse wax safiir ah oo iminka ka hawlgala Safaaradda ma jiro tan iyo markii uu Geeriyooday ALLAHA u naxariistee Ambassador Sayid Xasan Shariif C/llaahi.
 
Weriye C/risaaq IndhaJaceyl
Cape Town, South Africa
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com