Sir La Helay: Qorshe Ku Hoos Qarsoon Safarka Fartaag Ee Dibada

0

Kismaayo (AGGM) Akhriste waxaan la soconayaa in xiliyo badan iyo marar kala duwan uu isbadbelo dagaalka oo hadba nooc ama hadba qaad loo wajaho si ay kooxi guul ugu gaarto.

Sida aan la socono Kismaayo waxay hoy u noqotay xasuuq iyo bahdil ka dhan beesha SADE oo deegaan ahaan ah beesha ugu badan ee magaalada iyo guud ahaan Jubbooyinka degan.

Ragga ku macaashay dhiiga umaddii beesha SADE iyo gacmaha dhiiga ku leh waxaa kamid ah Fartaag oo aad wadagaranaysaan garashadiisa iyo garaadkiisa, iyadoo qaar badan oo idinka mid ah laga yaabo inay u arkaan MA JIXIN JIXE DHIIG LAAWE AH. Qormadan waxaan kugu tusin doonaan sababta aan ereygaas ugu adeegsaday.

Haddaba maanta oo taariikhdu ay ku beegantahay ninkii isku boqray dhiigi beesha SADE wuxuu Kismaayo kaga soo duulay diyaarad cad, isagoo safaro ku kala bixin doona magaalada Nairobi, Turkiga Mareyka Iyo Ingariiska.

Muxuu yahay ujeedada iyo sirta safarka Fartaag ku hoos lamaansan? Muxuuse u xushay magaalooyinka iyo wadamada sida Nairobi, Turkiga Mareyka Iyo Ingariiska?

Xog hoose oo aan helay anigu shaqsi ahaan, waxaan ku ogaaday in Safaradaas ay si gaar ah u qorsheeyeen kooxda Axmed Madoobe gadaasha ka fadhiya, waa koox aqoonyahano, culimo iyo ganacsato isugu jiro oo hal beel ah ka soo wada jeeda. Muhiim ma ahan inaan beesha aan carabka ku dhufto.

Waxaa kooxdaas ay diyaariyeen qorshihii ugu dambeeyay ee la doonayo in lagu soo afjaro taageerada iyo awood weyn ee uu Barre Hiiraale ku dhex leeyahay jaalliyadaha dibada, waxaa la qorsheeyay in Fartaag uu kulamo hoose oo beel ahaan ah la qaato waxgaradka, haweenka, dhalinyarada, ganacsatada iyo siyaasiyiinta beesha SADE.

Kooxda safarkaan soo qorsheysay waxa ay xusheen magaalooyin ay kamid tahay Nairobo oo ah meesha ugu badan dunida oo ay jaalliyada beesha SADE ee qurbo joogta ah ku nooshahay. Haba jiraane xittaa qaar deegaan u ah Nairobi oo beeshaan ka dhashay.

Turkiga waxaa jooga jaalliyad iyo siyaasiyiin reer SADE oo cilaaqaad dhaw la leh Turkiga, kuwaas ayuuna yahay qorshaha in diirada la saaro.

UK iyo Mareykanka waxaa degan jaalliyad beesha SADE ah oo boqolaal kun  gaaraya , waana kuwa taageerada ugu weyn siiya Barre Hiiraale.

Kooxda Axmed Madoobe waxay ogaatay in meesha uu ka dhiman la’yahay Barre Hiiraale ay tahay marka laga soo tago taageerada umada deegaanka ah dhaqaalaha iyo xiriirka siyaasadeed ee jaalliyada Sade ee qurba, sidaas darteed wuxuu go’aanku yahay in albaabadaas la isku dayo in la soo xiro.

Maxamed Magan

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com