Howlagalada Muqdisho oo sii soconaya

0

Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika e AMISOM ayaa holgalo gaar ah waxa ay ka sameeyeen Xaafado katirsan Degmada Waabari oo la tuhmay in ay ku sugan yihiin Dagaalyahano katirsan falaagada Al-Shabaab.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada gacanta kusoo dhigeen hub iyo xubno la tuhmayo in ay katirsan yihiin Al-Shabaab kadib howlaglo Laga sameeyay Degmada Waaari.

Howlgalka ay Ciidamada Huwanta ah ka sameeyeen Degmada Waabari xaafado katirsan ayaa ahaa mid gaar ah oo lagu bartilmaameedsanayay goobo la farmuuqay , waxa uuna sheegay AFhayeenka Wasaarada Amniga in howlgalkaasi lagu soo qabtay hub kala duwan iyo xubno Shabaabnimo lagu tuhmayo.

Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Howlgalada gaarka ah ee kasocda Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka sii socon doonaan , waxa ayna Wasaarada ugu baaqday Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan oo usoo gudbiyaan xogaha ku saabsan falaagada Shabaab.