Hooyo Soomaaliyeed Oo Wiilkeeda Shabaab Ka Tirsanaa Oo Dowladda Kusoo Wareejisay

0

Xarunta Hay’adda Nabadsugida Magaalada Muqdisho, waxaa shalay o Jimco aheyd lagu soo bandhigay hooyo wiilkeeda kasoo saartay Al Shabaab oo Dowladda Federaalka Soomaaliya kusoo wareejisay.

Hooyadaan Wiilkaan soo bandhigtay oo sababo amnida magaceeda loo qariyay ayaa sheegtay inay u hogaansantay amarkii Dowladda Federaalka Soomaaliya kasoo baxay ee ku aadanaa in waalidiinta laga rabo caruurtooda hadii ay Shabaab ka tirsan yihiin inay soo gudbiyaan.

Ibraahim Cali Xaashi oo 15 sano jir ah ayaa sheegay in uu tababar ku soo qaatay magaalada Buulo barde kahor inta aysan halkaasi gacanta dowladda soo gelin, waxaana uu intaa ku daray in ay uusan jirin wax dagaal ah oo uu ka qeyb galay.

Wiilkan ayaa Magaciisa lagu sheegay Ibraahin Cali Xaashi da’diisu waxa ay tahay 15 sano jir waxa uuna sheegay in uu Al- Shabaab ka tirsanaa 11-bilood loona tababaray habka isqarxinta.

Guddoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida C/raxmaan Tuur yare ayaa goobta ku guddoonsiiyay hooyada dhashay wiilkaasi iyo wiilka qudhiisaba abaalmarin, wuxuuna balan qaaday ammaanka hooyada wiilkeeda Shabaab ka tirsanaa ee Dowladda kusoo wareejisay iyo nolosha Wiilkeeda.

Tallaabada ay qaaday hooyadaan ayuu ku tilmaamay mid wanaagsan, wuxuuna ku booriyay hooyooyinka Soomaaliyeed inay ku daydaan hooyadaan oo kale.