Abwaan Abdi Shire Jaamac Oo Cabdi Good Aamusiyey

0

London (AGGM)Waxaan isku tiriyaa dadka af-soomaaliga wax xoogaa fiican ka yaqaan maadama uu yahay afkeygii hooyo. Ma qabo in inta badan waxa uu saaxiibkey Cabdi Good ku soo bandhigay barnaamijkaan ay af-soomli yihiin, gaar ahan inta uu Xuseen shire ugu jawaabayo.

Yaan loo arag in aan walaakey difaacayo, Cabdi Good laftiisa meelo badan baan ehel ka nahay. Markaan ciyaal xaafada aheyn ayaan waxaan ku hadli jirnay lahjad ay ciyaal-xaafadeedku ugu magac dareen “af-jinni”, waxaan is iri Cabdi Good malaha afkaas ama lahjadaas ayuu ku hadlayaa inta uu barnaamijkaan daadihinayo.

Hadeysan sheekadu aheyn ” runa ha sheegin beena ha sheegin waxaad sheegtana ha waayin” . Mid kale , waxaa ka mamnuuc warbaahinta dhabtaa , kama hadlayo kuwaan soomaalida qaar ka mida ah oo intooda badan waxey rabaan sameeya, in shaqsi aan markaas meesha fadhin barnaamij inta loogu magac daro ” isir raaca Afsoomaaliga” hadana lagu caayo dad aan fursad la siin in ay ka jawaabaan waxa lagu eedeynayo, waa sida aad ku arki doontaan barnaamijkaan.

Waxaa fiicnaan laheyd in Xuseen Shire barnaamijka lagu casumo si uu isku difaaco. Aniga oo xeerinaya dhaqanka Soomaaliga , maadaama aan Cabdi Good wax badan isku nahay, waxaan oran laha in Saaxiibkey Cabdi Good dib u dhageysto isla barnaamijkaan si khaladaadka faraha badan ee ku jira uu uga saxo.

Tusaale khaladka ugu yar ee Cabdi Good galay waxaa ka mid in uu isticmaalay dhowr jeer kalmad gobolada Soomalida intooda badan ay ceeb tahay in meel fagaaro ah lagu adeegsado, iska daa tviiye. kalmada uu adeegsaday Waa ” caar”( waan ka raaligalinayaa daawadayaasha/ akhristayaasha adeegsiga kalmadaan) oo loo isticmaalo xubinta taranka ee labka. Waan garan karaa macnaha eraygaan sida uu ulajeedo.

Warkii oo kooban waxaan Soomali Chanel ka codsanayaa in ay faafreeb( editing) ku sameeyaan barnaamijyadooda , gaar ahaan kuwa sida tooska ah loo daawado, sida kan isir raaca suugaanta oo kale ee uu daadihiyo saaxiibkey Cabdi Good.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com