Ximin Iyo Xeeb Oo Mar Kale Codsatay In Shirka Maamul Samaynta Gobolada Dhexe Lagu Qabto Cadaado

0

Cadaado (AGGM) Wasiirka arrimaha bulshada ee Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye ayaa mar kale soo jeediyey in magaalada cadaado lagu qabto shirka maamulka mideeya loogu dhisayo gobollada dhexe.

Ximin Iyo Xeeb ayaa ku dhagan in Cadaado ay tahay meesha ugu haboon ee shirkaas lagu qaban karo. Waxaa mawqifkoodaas uu sababay in dawlada Soomaaliya ay u ogolaato si ay iyaguna uga tanaasulaan diidmo ay kala horyimaadeen maamulka gobolada dhexe.

Wasiirka arrimaha bulshada ee Ximan iyo Xeeb  ayaa hadalkaas ka sheegay kulan ay waxgarad ka qeybgaleen oo dhacay Cadaado.

Cumar Maxamed Diiriye  ayaa sheegay in Cadaado ay diyaar u tahay soo dhaweynta wafuuda shirkaas ka qeybgalaysa.

Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa loo dhisi doonaa maamul ay ku mideysanyihiin, waxaa heshiis arrintaas la xiriira Muqdisho ku sixiixday Galmudug, Ximin iyo Xeeb iyo Ahlusuna.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com