Utix Geli…Si Laguu Tix Geliyo !!!. W/Q.Cabdicasiis Shire Ismail (Bandiirad)

0

Waxaan ku bilaabayaa magaca eebe iyo kan rasuulkeenii naxariiska badnaa ( Scw). Noloshu waxey ibartay, tijaabiyeyna in tixgelinta iyo ammaanta edboon ee ujeedada fiicani ku dheehantahay dadka saamayn weyn ku yeelato  qofka si kastuu u yahay qof xataa ka dhowrsoon aduunyada  iyo istustuska hadana waxaad arkeysaa markaad erey ammaana u jeediso iney saamayn weyn ku yeelanayso kuna raaxaysanayo.  markaasaa qofna yaraystaa qofna weyneystaa. Markastaad qofka ujeediso erey mahadcelin ah ama ammaan wuu kuu qalbi iyo waji furnaanayaa.

Hadalka kiisa jilicsani kalgacalka iyo maxabadana ku dhisan wuxuu samayn weyn ku leeyahay qalbiga qofka kale. diinteena waxaan ka dhaxalnay in badana inaku boorisay  in qof walba booskuu mudanyahay la dejiyo, Nebigeena (Scw) waxaa lagu yiri (Hadaad ahaan  lahayd mid qalbi qalafsan hareerahaaga wey ka yaaci lahaayeen). Suuradda aala cimraan 159. Mowduucaan dad badan cid walbana leh ayaa qoraalo ka sameeye waxaana ugu caansan Buugaagta Delkarniji Buugiisa “Saaxiiba kasbo”, Dr. Aid Al-qarni “Ha murugoon”, Dr.Mahamed oreefi “Noloshaada ku raaxayso” dhammaantoodna wey isku raacsan yihiin in qofka mahad iyo ammaan loo jeediyo waxa keliya ee ay isku khilaafsan yihiin waa sida loo oranayo ku talax tegid iyo  inaan qofna booskiisa la dhafsiin ama heer munaafaqnimo ah la gaarsiin.

Hadaba waxaa suura gala in dad inaka mid ihi dadka kale iska weyneysiiyaan afkana kor u taagaan waji cabuusna u muujiyaan , halk marar kale ay af-lagaadho iyo cay isu jeediyaan , laakiin waa inaan ogsoonaano inan waayeyno iyaguna bedelkeena helayaan qof soo dhoweeya ama ugu yaraan afkiisa iyo adinkiisa laga nabad galo , udhool bira , jeclaada guulaha iyo horumarka dadka kale.  Nolosha qiimeheeda waxaa ka mid ah  kasbashada dadka kale in badana waxaan arkay  dad aad ugu xeel dheer Isdhexgalka, qalbi kasbashada  dadkuna usoo xiisaan, waji furan, erey macaan, iyaguna faraxasan dadkuna aragooda ku faraxaan, qofkaasi dadka ma gadan boqorna uma aha mas`uulna mahan  laakiin wuxuu ku gaarey niyad wanaag, run sheegid iyo wanaaga uu dadka la jeclaaday iyo qalbi furaanta wajigiisa iyo shaqsiyadiisa laga dheehday.

Furfuraanta nolosha, dabeecadaha wanaagsan waa kuwa helidoodu adagtahay nolosha macaankeeda waxaa kamida inaad dhaqamada dadka qadariso, dareenkooda qiimayso, afkaartooda u madax banayso , hankooda ku dhiiri geliso dadaalkooda aadan burin heerkoodana aadan hoos u dhigin.

Dadka waxaa ka mid kuwa halgan dheer ugu jira “Wanaaga” aqoontey iyo heerkay doonaan ha ahaadeene halka kuwa kalena wanaagu ka daahsoonyahay oo keliya xumaanta indhohoodu qabato, arday saxiibkay ayaa qoraal fiican qoray markaasaan u mahadceliyey inuu dadaalka sii wadona u sheegay  wuxuu igu yiri «Ma qiyaasi karo saamaynta ey ereyadaadu igu yeesheen». Dadka waxyaabaha ku jeclaysiinaya  waxaa ka mid ah inaad wixii wanaagsan ku dhiiri geliso, daryeel ufidiso, soo dhoweyn diiran u samayso. Daha Xusein  wuxuu Al-Azhar  kaga tegey isagoo caayaya aflagaadhaynaya markii lagu yiri indhoolow suuradda “Alkahfi” akhri sida uu kitaabkiisa “Maalmo” ku sheegay.

Waa kuma qofka naftiisa liidaya qiimana aan u yeelayn, kumaa u arka naftiisa inuu waxba yahay jawaabtu waa qofna, qof walbaa naftiisa wuu jecelyahay , qof walba naftiisa wuu qiimayyaa qof walbaana awoodiisa wuu garanayaa. Ufiirso markaad golayaasha ama meelaha la isugu yimaado tagto dadka hadaladooda waxaa ugu badan ereyada “Aniga”, “Waxaan Iri”, “Waan tegey”, “Waan arkay”, “Wuxuu igu yiri”, “Wuu isoo wacay”. Hadaba maxaan ka faa`idaynaa niyad jebinta dadka dareenkoodana u qasaynaa cadownimo iyo naceybna ugu doonaynaa.

Hadaba, waxaa inala gudboon inaan ammaanno nolosha qaybteeda ifeysa kor uqaadno kobcino calaamadaha wanaagsan ee dadka ku kaydsan, kana gaabsano xumaantooda iyo wexey ka gaabiyeen. dadka u feejignow, kan wanaaga sameeya u mahadceli, Astaanta wanaagsan ku ammaan sida falka iyo camalka wanaagsan, ereyada iyo qoraalada suuban, akhriska iyo barashada diinta si adigana dadka wanaagsan laguugu daro.

 

Cabdicasiis Shire Ismail (Bandiirad)
Bandiirad16@hotmail.com
Facebook: Abdi aziz Bandiirad
Twitter: Bandiirad Goonyacade
Skype: Bandaale1
Qoraa , Arimaha bulshada ka faalooda

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com