Top News: Afar Ruux Oo Xiriir La Leh Falaagada Al Shabaab Oo Lagu Xiray Dalka Tanzania.

0

Muqdisho, AGGM: Isaya Mngulu Agaasimaha waaxda dambi barista dalka Tanzania ayaa sheegay in baaritaan lagu hayo rag la’aamisanyahay iney qeyb kayihiin Al-shabab ,laguna xiray dhawaan dalkaasi.

Qareen Brenda Nicki iyo Adolph Mkini ayaa soo jeediyay codsi ah in kiiskan maxkamadeynta la xariirta dib loo dhigo ilaaa 13 August si baaritaanka loosoo afmeero.

Mtweve waa mid kamid ah 4-ruux ee lagu qabtay dalka Tanzania islamarkaana lagu tuhunsanyahay inuu xiriir laleeyihiin Al-shabaab ,waxaa la sheegay ninkan inuu xiriir wanaagsan la leeyahay raggan kala ah Ally Othman Rashid, Shabani Bakari Waziri iyo Faraji Ali Ramadhani.

Ally Othman Rashid ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay qorashada dhalinyaro Tanzaaniyaan ah oo ay kujiraan 3-nin ee haatan ciidamada amaanka uxiran.

Dacwad oogayaasha ayaa tilmaamay in masjidka Noor oo kuyaala Darussalamuu yahay masjid lagu qoro dhalinyarada jihad doonka ah .

Marar hore dowlada Tanzania ayaa xabsiga dhigtay dad iskugu jira Somali iyo tanzaaniyaan oo lagu tuhmay falal argagixiso.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com