Hadalhaynta Ugu Badan Kismaayo Iyo Qado Maamuus Liidata Oo Loo Sameeyay Ex Guddoomiyihii Hore Ee Gedo

0

Kismaayo (AGGM) Magaalada Kismaayo ayaa waxaa si weyn looga hadal hayaa ciidamada Col Barre Hiiraale oo awood weyn sii yeelana, qalqalna ku haya maleeshiyada Raaskambooni ee gabalkoodu uu sii dhacayo.

Ciidamada Col Barre ayaa kulaaxaya duleedka Kismaayo, waxayna wacad ku mareen inay dhulka la simayaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo ONLF.

Dadka Kismaayo waxaa ay si weyn u hadal hayaan xiisada ku soo cusboonaatay gobolkaas, iyadoo dhanka kalana aynaan ka hadlin Dowladda Somaliya.

Dhinaca kale waxaa iyaduna si weyn loo hadal hayaa qado maamuus xumeyd oo guriga Axmed Madoobe loogu sameeyay guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday ee Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.

Horjoogaha Raaskambooni Axmed Madoobe ayaa la sheegay in muddo 4 maalmood ah uu jaanis uu ku qaabilo u waayay sarkaalkaan gobolka Gedo ka soo cararay markii ay dhagaysan waayeen umada gobolka Gedo degan oo isku tashatay. Kaliil ayaa waxaa fadeexad iyo niyad jab ku noqotay arrintaas, isagoo dibna u soo laaban waayay ayaa waxaa la sheegay inuu iska sugayay tan iyo xiligaas bal in uu helo fursad uu kula kulmo Axmed Madoobe.

Maxamed Cabdi Kaliil ayaa waxaa garoonka Kismaayo ku dhaweeyay sarkaal darajo hoose oo ONLF ah Cabdirashiid Gooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com