Mareykanka Oo lacag dhan 1.9 Milyan Ku Taageeraya Booliska Soomaaliya

0

Nairobi (AGGM) Sida lagu sheegay qoraal waxaa 5tii bishan Agosto heshiis kala sixiixday Mareykanka ugu qeybsan Soomaaliya James P. McAnulty iyo wasiirka maaliyadda Soomali Xuseen Cabdi Xalane, heshiiska wuxuu dhigayaa in dawlada Mareykanka ay taageereyso booliiska Soomaaliya.

Heshiiska waxaa ku jira in dawlada Mareykanka ay Soomaaliya siin doonto lacag dhan 1.9 milyan oo doolar taasoo gabi ahaanteeda lagu horumarinayo booliska dalka.

Mareykanka iyo EU ayaa lacago dib loogu habeynayo laamaha amniga ee burbursan ugu deeqa Soomaaliya balse waxaa wali muuqanaysa habacsanaan haysta ciidamada wadanka tanoo isugu jirta moral la’aan, mushaar la’aan iyo dress la’aan intaba.

Boolis xoog leh ayaa waxaa ay tusaale u noqon karaan inay soo celiyaan amniga iyo kala dambeynta madaniga ah, taasoo xoojin karta awooda garsoorka iyo tan fulineed ee dawlada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com