Hooyadii wiilkeeda shabaab katirsanaa dowlada u gacan galisay oo abaal marin la gudoonsiiyey

0

Maxkamadda sare  ee ciidamada qalabka sida  ayaa maanta abaal marin lacageed guddoonsiisay hooyo Soomaaliyeed oo ku guuleystay in Wiilkeeda oo ka mid ah falaagada Al-Shabaab ay ka sooo saarto ayna ku wareejiso dowladda Soomaaliya,  iyada oo  Wasaaradda amniga Qaranka ay ballan qaaday in Hooyadaas dowladdu abaar marinno kale siin doonto.

Taliska nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa maanta lagu soo bandhigay wiilka ay hooyadiisa ku wareejisay Hay’adaha ammaanka ee ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana goobtii lagu soo bandhigayay goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida, Afhayeenka Wasaaradda Amniga, ururrada haweenka qaranka iyo kan gobolka.

Hooyada dashay wiilka ay maanta hay’adda nabad sugidda soo bandhigtay ayaa sheegtay in wiilkeeda uu muddo 11 bil ah ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana ay u hogaansantay amarka ahaa in Waalidiinta ay carruurtooda ka midka yihiin Al-Shabaab looga fadhiyo in ay ku soo wargeliyaan hay’adaha amniga.

Ibraahim Cali Xaashi oo 15 sano jir ah ayaa sheegay in uu tababar ku soo qaatay magaalada Buulo barde kahor inta aysan halkaasi gacanta dowladda soo gelin, waxaana uu intaa ku daray in ay uusan jirin wax dagaal ah oo uu ka qeyb galay.

Guddoomiyaha ururka haweenka Gobolka Benaadir Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay in arrintan ay tahay mid muujineysa sida hooyooyinka Soomaaliyeed ay uga go’antahay la dagaalanka kuwa carruurtooda qaldaya ee Al-Shabaab, waxayna Ibraahim Guddoonsiisay lacag dhan 100 doolar.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Yuusuf Maxamuud ayaa sheegay in wiilkan yar ay Shabaabku ka qafaasheen Muqdisho oo ay duufsadeen, isagoo xusay in tani ay tahay talaabo aad u wanaagsan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare oo lacag abaal marin ah guddoonsiiyay hooyada Soomaaliyeed ayaa sheegay in abaal marintan mid ka balaaran ay mudantahay, isagoo xusay hooyadan Soomaaliyeed ay fulisay talaabo ku dayasho mudan, ayna dhirigelinayan talaabooyinka nuucaani oo kale ah ee waalidiinta ay carruurta ku wargelinayaan hay’adaha amniga.

Falaagada shabaab ayaa horay u marin habaabiyey caruur Soomaaliyee kuwaas oo qaarkood ku waayey naftooda dagaalada shabaabku Soomaaliya ay kawadaan.