Dhageyso: Fowsiyo Yusuf Xaaji Aadan Oo Maxkamad La Koreysa Yusur Abraar

0

London(AGGM) Yusuf Abraar oo ah aqoonyahanad horey isaga casishay xilka gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Soomaaliya ayaa horey ugu eedaysay Fowsiyo Xaaji Yusuf iyo Madaxweynaha Soomaaliya in ay malaayiin doolar oo Soomaaliya loogu deeqay ay leexsadeen.

Fowsiyo oo si garab ah ama qaraabonimo ku keentay Yusur ayaa waxaa sida ay Fowsiyo sheegtay waxa ay fajiciso iyo la yaab ku noqotay iyada iyo madaxda dalka.

Yusur Abraar waxaa u magacaabay xilka madaxa Bangiga Dhexe ee Soomaaliyeed Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana meesha keensatay Fowsiyo oo madaxda dalka ka iibisay in Yusur ay tahay qof daacad ah oo Soomaalinimo doonaysa inay ku shaqeyso.

Fowsiyo waxay tilmaamay in hadalkii Yusur uu saameeyay deeqihii la siin jiray Soomaaliya iyo lacago iyo xiriiro cusub oo ay iyadu horsed u ahayd.

Yusur warbixin ay siisay kooxda Monitoring Groupka Soomaaliya ayaa waxa ay ku sheegtay in lagu qasbay inay sixiixdo account cusub oo lagu shubi rabay lacago aysan garanaynin meel ay ku socdaan.

Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan hadda waa mudane katirsan Baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Halkaan ka dhageyso Fowsiyo oo iska difaacday arrintaas sheegtayna in ay maxkamad la fuulayso Yusur Abraar.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com