Dhageyso: Xildhibaan Gacmayare” Khaatumo Waxaa U Heshiiyey Puntland Iyo Somaliland”

0

Taleex (AGGM) Axmed Gacmayare oo ka mid ah Xildhibaanada Khaatumo ayaa sheegay in maamulada Puntland iyo Somaliland ay ku heshiiyeen sidii loo burburin  lahaa maamulka Khaatumo.

Xildhibaankan ayaa sheegay in labadaas maamul ay dhibaatooyin aad u xoogan ku hayan umada Khaatumo.

Xildhibaan Axmed Gacmayare ayaa ku goodiyey inay iska celin doonaan oo ay dhiidhin doonaan xadgudubyada ay u gaysanaayan maamulkooda.

Gacmayare ayaa sheegayn  in ballaaran lagu sameeyay Khaatumo, wuxuu tilmaamay in shirkii Seddexaad ee looga tashanayo aayaha Reer Khaatumo lagu qaban doono caasimada khaatumo ee Laascaanood.

Xildhibaano ka tirsan Khatumo State ayaa shalay si rasmi ah loogu dhaariyey magaalada Taleex oo hadda fariisin kumeel gaar ah u ah Khaatumo.

Halkaan Ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com