Dhageyso: Wasiirka Waxbarashada Oo Ka Hadlay Qorshaha Wasaaradiisa Ee Waxbarashada Dalka

0

Muqdisho(AGGM) Wasiirka Waxbarashada mudane Ciise Maxamed Axmed “Guraase” ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha wasaaraddu ay dib ugu habeynayso wax barashada, diyaarinta manhajka waxbarasho ee dalka, iyo barnaamijka aada dugsiyada.

Sidoo kale wasiirka Waxbarashada ayaa ka hadlay muhiimadda ay waxbarashadu leedahay, waxa uuna Xusay in sanadkan gudihiisa ay wasaaraddu ay muqdishu ka fureyso dugsiyo sare oo si lacag la’aan ah oo wax loogu baro ardayda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa ka hadlay Barnaamijka Aada Dugsiyada iyo halkii uu ku dambeeyay waxa uuna sheegay in iminka ay Wasaaradu ku dadaaleyso sidii ay dib ugu soo celin lahayd Wasaarada Barnaamijkaasi

Halkan ka dhageyso

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com