Dhageyso: Janeral Daahir Adan (Indho qarshe) “Awood Umma Lihin Tuutaha Ciidamada Inaan Xakameeyno Oo Ku Koobno Ciidamada”.

0

Muqdisho, AGGM: Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Somaliya Janeral Daahir Adan Cilmi (Indho qarshe) oo maanta Saxaafada kula hadlay Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inaysan Awood ulahayn inay xakameyaan dharka tuutaha ciidanka ee dawlada lagu yaqaano inay ciidanka ku koobaan.

Waxa uu Janeral Indho qarshe sheegay inay Suuqyada Muqdisho lagu iibiyo Hubka iyo Dareeskooda taasina ay dawlada ka codsanayaan inay gacan bir ah ku qabato ganacsatada tuutaha dawlada Suuqyada ku iibiya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed ayaa ku Eedeeyey Ganacsatada Suuqa Madow ku iibiya Tuutaha Ciidanka taasina ay u keentay Sharaf dilid iyo wax aysan lahayn ama uqalmin Ciidanka Dawlada Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com