Dhageyso: Hooyo Labadeeda Wiil Oo Ka Tirsanaa Falaagada Al Shabaab Gacanta U Galisay Dowladda Soomaaliya.

0

Muqdisho, AGGM: Hooyo ayaa Carruur ay dhashay oo katirsanaa Ururka Al Shabaab waxay markii ugu horeysay Dawladda Soomaaliya u gacan gelisay kadib Digniin dhawaan Waalidiinta loo soo jeediyey.

Inkastoo Hooyadaan Magaceeda warbaahinta soo xigan hadana waxay sheegtay inay ka timid Degmada Buula burde ee Gobolka Hiiraan lamana oga Dawlada gaar ahaan Wasaarada Amniga qaranka oo Labadaasi wiil loo gacan geliyey sida ay ka yeeli doonaan.

Dhawaan ayaa Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka Sida waxay digniin udirtay Waalidiinta Carruurtooda katirsan yihiin Al Shabaab iyadoo sheegtay hadii ay usoo sheegi waayaan ama usoo gacan gelin waayaan dawlada inay iyaguna xukuno la kulmi doonaan.


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com