Dhageyso: Dagaal Beeleed Laga Cabsi Qabo Inuu Ka Qarxo Ceelasha Biyaha Iyo Degaanka Lafoole.

0

Muqdisho, AGGM: Is qab qabsi ayaa waxa uu ka taagan yahay Maamulka deegaanada Ceelasha Biyaha iyo deegaanka Lafoole waxaana halkaasi dhawaan loo magacaabay Maamul Cusub xilli maamulkii hore ay kasoo horjeesteen maamulka Cusub.

Ibraahim Maxamuud Guuleed (Ibraahim Dheere) oo ah Gudoomiyaha deegaanada Ceelasha Biyaha & Lafoole ayaa waxa uu sheegay in si aan sharci aheyn loo soo magacaabay Maamulka isaga lagu badali rabo.

Waxa uu Ibraahim dheere sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose C/qaadir Siidii uu Haweeney usoo magacaabay Deegaanada uu kataliyo ayna isla og yihiin magacaabistaasi Gudoomiyaha Afgooye lana doonayo in deegaanadaasi dhibaato laga abuuro.

Ibraahim dheere waxa uu ka digay in dagaal beeleedkii ka socday Marka iyoLambar Konton loo soo wareejiyo deegaanada Ceelasha Biyaha & Lafoole waa sida uu hadalka udhigaye Mas’uulkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com